Tallaalka Cudurka COVID-19 oo ka bilaawday deegaanada Puntland

Waxaa maanta Puntland ka bilawday Tallaalka Cudurka halista ah ee COVID-19, kaasi oo Wasiirka Cadaalada, Dastuurka, Arrimaha Diinta iyo dhaqan celinta uu ka furay xarunta Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Nugaal.

Waxaa ka qaybgalay furitaanka talaalka Wasiirka Caafimaadka oo uu weheliyo kuxigeenkiisa iyo agaasimaha guud, sidoo kale waxaa goob ka ahaa saraakiil ka socday hay’addaha WHO iyo UNICEF.

Wasiirka Caafimaadka Dr Jaamac Faarax Xasan oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka talaalka ayaa waxaa uu sheegay in Maanta Wasaaradda ay daah-furtay tallaalka COVID-19 oo 40 goobood hal mar ka wada bilowday , kuwaasi oo ku kala yaalla Gobolada Puntland

“Wajiga hore ee tallaalka ayaa loogu talagalay inay qataan dadka safka hore oo ay ka mid yihiin shaqaalaha Caafimaadka, Macalimiinta, Ciidamada Booliiska, Dadka waaweyn ee qaba xanuunada Sonkorta iyo dhiig karka” ayuu yiri Wasiirka Caafimaadka.

Talaalka ayaa socon doona 10 maalin, waxaana wajiga labaad uu bilaaban doonaa bisha May ee sanadkan, talaalka maanta bilawday ayaa ka kooban 40,000 oo dos, marka dadka loogu talagalay dhamaadaan ayaa loo ogolaan doonaa in bulshada kale la siiyo.