Somaliland oo Maanta shaacisay Kiis Cusub oo ah Coronavirus

Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Somaliland ayaa Maanta shaacisay inay diiwaan-gelisay Ruux Cusub oo qaba Cudurka halista ah ee Coronavirus, kaasi oo ku sugan Magaalo ka tirsan Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in hal qof laga helay Cudurka Coronavirus, kadib markii baaritaan dheer lagu sameeyay Jirkiisa lagu odaagay inuu qabo Cudurka.

Waxaa uu sheegay Wasiir Cumar Cali in Ruuxa laga helay Cudurka laga geeyay Xarun Caafimaad ee loogu talagalay in dadka lagu karantiilo, isla markaana haatan lala tacaalayo xaaladiisa Caafimaad.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka ayaa waxaa uu tilmaamay in mid kamid dadkii horey looga Cudurka COVID-19 uu bosaday, sidaasina haatan tirada guud ee Somaliland la jiirto Cudurka ay tahay 5 ruux.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay inay qaatan tallooyinka Caafimaad ee loo joodinayo, isla markaana sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga wadashaqeyo ka hortega Cudurka