Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirweynaha Caalamiga ee Malgashiga Soomaaliya oo ay ka soo qeybgaleen Madaxda Dowladda, Hey’adaha ka shaqeeya Mashaariicda, Ganacsatada, Maalgashadayaal caalami ah iyo Martisharaf kale ayaa goordhow ka furmaya magaalada Muqdishu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheikh Maxamuud oo ku sugan hoolka uu ka dhacaayo shirka ayaa ka jeedin doonno khudbad uu ku dhiirrigelinaayo Maalgashadayaasha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene) ayaa faa-faahin doona doorka Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay maalgelinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga hal-buurka leh ee doonya in ay kor u qaadaan wax soosaarka gJudah dalkeenn.

Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS oo udub dhaxaad u ah shirkaan ayaa ku casuumtay dhammaan Maalgashatada ajaanibta ah, Ganacsatada dalka, Qurba joogta iyo kuwa maxalliga ah ee gudaha dalka ka howlagala.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor