Shir looga hadlay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Baledweyne

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo maanta gaaray Baledweyn ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee shalay gaaray Magaalada Beledwyene ee xarunta Gobolka Hiiraan

Madaxweynaha iyo xubnha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kawada hadalay Arrimaha doorashooyinka dalka waxana Guddiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa doorashada Aqalka Hoose iyo adkeynta Amniga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Xubanaha Guddiga Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa sidokale inta ay halkaa ku suganyihin waxa ay kulama laqaadan doonaan Bulshada qaybaheed kala duwan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor