Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee maamulka Hir shabeelle oo loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Madaxweyne ku xigeenka Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed).
Hoos ka Aqriso Qoraalka uu soo saaray Shiikh Shariif
Waxaan ugu horreyn hambalyo u dirayaa Madaxweynaha la doortay ee Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed”.
Waxaan Alle uga rajeynayaa inuu la garab galo xilalka culus ee loo doortay, waxaana ka rajeynaynaa in howl adag ay ka qabtaan baahida deegaanka ka jirta ee Amniga, Dib-u-heshiisiinta, iyo Horumarka.
Ugu dambeyntii waxaan qaybaha kala duwan ee bulshada Hirshabelle ugu baaqayaa in ay qayb ka noqdaan dhismaha maamulka cusub, islamarkaana gacan kusiiyaan madaxda la doortay sidii howl muuqata oo mug leh deegaanka looga qaban lahaa.