Sheekh Shariif oo ka digay isku day walba oo dib loogu dhigayo Doorashada dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in hoggaanka Baarlamanka uu muddo bil ah dib u dhigo hadal-jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ku muddeysneyd 27-ka May.

Qoraal uu soo saaray Sheekh Shariif ayuu ku eedeeyay Guddiga Baarlamaanka Federaalka inuu ku xadgudbay Dastuurka KMG iyo Sharciga Doorashada Qaranka ee dhawaan la ansixiyey.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa ka digay isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka ee la filayo inay dalka la dhaco 2020/2020, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka, isagoo xusay in arrintaas wixii ka dhasha ay mas’uuliyada qaadi doonaan Madaxda DFS.

“Waxaan ka digeynaa isku day walba oo dib loogu dhigayo doorashada qaranka, iyo kordhinta muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah iyo madaxda qaranka Wixii ka dhasha isku daygaas waxaa masuuliyaddeeda dusha u ridan doona madaxda dowladda” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka ay ku fashilantay waajibaadkii loo doortay oo ay ugu horreysay qabashada doorasho qof iyo cod ah kuna dhacda si xor ah oo xalaal ah.