Sawirro:-Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa shil xoogan oo duhurnimadii Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Shilkaas ayaa yimid, kadib markii gaari nooca xamuulka qaado ah uu kasoo fariis googtay dhinaca Isgoyska sanca ee Muqdisho, isla markaana ku rogmaday Guri ku yaalla agagaarka biya dega sii-sii ee Kaaraan.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Darawalkii waday gaarigaas uu xakameyn waayay gaariga, uuna lugta waayay bareega, sidaasina uu gaariga xamuulka ahaa uu kusoo fariin goostay.

Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo kor ka saarnaa gaariga, isla markaana waxaa ku dhaawacmay laba qof oo wadada taagnaa xiligaas, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal geysta khasaaro kala duwan, iyadoona shilal horey uga dhacay degmada Howlwadaag iyo degmooyinka ay ku geeriyoodeen dad badan.