Saciid Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho i

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay.

Saciid Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa soodhaweyntooda ka qayb qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo ay ka mid yihiin Wasiir ka tirsan Xukuumadda Rooble, oo ay qayb ka ahaayeen Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa Muqdisho kaga qayb gali doona Shirka Golaha Wadatisha Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.