Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Nabad sugidda kuwaasi oo jabiyay amar uu dhawaan soo saaray Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka ka xayuubiyay labo mas’uul oo lagu kala magacaaabo Cabdullaahi Kullane oo ahaa Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali, kuwaasi oo jabiyay amarkii Rooble ee ahaa in muwaadiniinta Soomaaliyeed aan laga horjoogsan in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde.
Mas’uuliyiinta Xilka laga qaaday ayaa ahaa kuwo awood muuqata ku dhex lahaa hay’adda NISA, waxaana jirtay digiin culus oo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble horay u soo saaaray taasi oo digiin loogu jeediyay Saraakiishan xilka laga qaaday oo la sheegay in ay tiro dhowr jeer ah safar ka joojiyeen mas’uuliyiin iyo dad kale oo shacab ah.
Waxaana tallaabadaan uu qaaday Rooble ay kusoo aadaysaa kadib markii maanta Safar laga horjoogsaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, kaasi oo loo diiday in uu ka dhoofo gaeoonka Muqdisho.
Gudoomiyihii hore ee Gedo, Macallimuu ayaa yiri: “Aniga saaka waxaan aadnay garoonka, anigoo dareemayay in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha ka dib waxaan qaatay in aan qofna la celin karin. Markii meeshii aan galnay, waa nala qabsaday waxaana na lagu dhahay meeshaan lama mari karo.”
“Macallimuu iyo kooxda la socoto ma mari karaan, ayaa na lagu yiri. Waxaan weydiisanay in la caddeeyo cidda na haysata. Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Kulane uu nahaysto”, ayuu yiri, isagoo saxaafadda la hadlay ka dib markii la soo celiyay.