Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta oo Isniin ah ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu hambalyo ugu diray laba Xildhibaan oo loo doortay inay kamid noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad ee Golaha Shacabka, kuwaasi oo kala Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Biixi IImaan Cige.
Rooble ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in doorashadii Xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay, isagoona Xildhibaanada la doortay Alle uga baryay inuu la garab galo mas’uuliyadda cusub.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowlad Goboleedyada ka Codsaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka Federaalka, wuxuuna rajeeyay in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan.
“Waxaan ku faraxsanahay in doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabku ay maanta si rasmi ah noogu bilaabatay. Waxaan dowlad-goboleedyada ka codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, anigoo rajeynaya in howlaha doorashooyinku guul noogu soo dhammaadaan” ayuu yiri RW Rooble.
Ergada doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Xildhibaankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka u doortay inuu noqdo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Biixi IImaan Cige oo horey uga tirsanaa Golaha Shacabka.