RW Rooble oo ka hor yimid Wareegtadii Farmaajo uu ku hakiyay Heshiisyada Xukuumadda

Iyadoo xalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo uu wareegto Madaxweyne ku hakiyay Heshiisyada xukuumadda, ayaa waxaa si kulul kaga hadlay arrintaasi RW Maxamed Xuseen Rooble.

War kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa waxaa si kulul looga hadlay arrintaasi, waxaana war-murtiyeed laga soo saaray Xafiiska RW Rooble lagu sheegay in hay’adaha xukuumadda ay sii Wadan doonaan howlahooda, aysana istaagi doonin dhammaan shaqooyinka xukuumadda.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka kasoo baxay Xafiiska RW Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah oo cuskanaya Qodobka 97-aad faqradiisa 1-aad ee Dastuurka KMG ah, awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ah waxaa leh golaha Wasiirrada, waxayna u qabanayaan sida Dastuurka ku tilmaaman, waana hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Xukuumaddu waxa ay sidoo kale mas’uuliyad ka saaran tahay Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo Dadka Soomaaliya, sidaas la mid ah Dastuurka Qaran ayaa u xilsaaraya Xukuumadda Federaalka ah wada-xaajoodyada la xiriira Kaalmada Dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee laxiriira hishiisyada caalamiga ah.

Sida ku cad Qodobka 103 ee Dastuurka Jamhuuriyadda, inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul- Wasaaraha xilka haya iyo golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah taas oo Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada u fasaxaysa in ay si caadi ah u fuliyaan waajibadka Qaran ee Dastuurku saaray isla markaana Meesha ka saaraysa in wax hakad ah ku yimaado shaqooyinka Dawladda.

Hadaba, iyada oo laga ambaqaadayo Qodobada Dastuuriga ah ee kor ku xusan, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuu farayaa dhamaan hay’adaha Dawladda in ay si caadi ah u gutaan Waajibaadkooda shaqo si waafaqsan Dastuurka KMG ah, joogteeyaanna adeegyada loo hayo shacabka Soomaaliyeed iyo ilaalinta hantida iyo danaha guud ee Qaranka, iyagoo xusuusan isla markaana dhawraya go’aamadii uu horay usoo saaray Ra’isul Wasaaraha.