Mareykanka iyo Britain ayaa Ruushka ku eedeeyay in Hawada Sare uu ku tijaabiyay hub casri ah oo shucaac ah, kaas oo loo adeegsan karo burburinta dayax-gacmeedyada hawada ku sugan.
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa walaac cusub ku tilmaamtay wax ay ku qeexday “hub u muuqdo mid lagu isticmaali karo Hawada Sare oo lid ku ah dayax-gacmeedyada”.
Wasaaradda Difaaca ee Ruushka waxay sheegtay in ay isticmaashay teknolojiyad casri ah oo ay ku eegeyso sida ay u shaqeynayaan qalabkeeda u yaalla Hawada Sare ee dhulka ka fog.
Mareykanka ayaa horeyba walwal uga muujiyay dhaqdhaqaaqa cusub ee dayax-gacmeedyada Ruushka ee ka socda Hawada.
Balse waa markii ugu horeysay ee UK ay eedeyn u jeediso Ruushka oo ah inuu tijaabinayo hub Hawada Sare dhexdeeda uu ku riday.
Maalmo ka hor, baaritaan laga sameeyay Britain waxaa lagu ogaaday in dowladda UK “ay si wayn u yareysatay” halista Ruushka uu sababta u noqon karo.
War-qoraal ah oo Khamiistii ka soo baxay Kaaliyaha Xoghayaha Amniga Qaranka Mareykanka, Christopher Ford, waxaa lagu sheegay in xukuumadda Moscow ay “manaafaq tahay” ka dib markii ay dalbatay in la xakameeyo hubka ku sii ballaaranaya Hawada Sare.
“Moscow waxay dooneysaa in ay awooddeeda sii xoojiso iyadoo si cad u dooneysa in ay xakameyso midda Mareykanka, dhankeedana ay sii wadato,” ayuu yiri kaaliyaha.
Madaxa Guddiga arrimaha hawada ee UK, Harvey Smyth, wuxuu sheegay in uu ka walwalsan yahay tijaabadii ugu dambeysay ee Ruushka uu sameeyay, taas oo uu ku tilmaamay “in qaab hub halis ah ay lahayd”.
“Ficilladan oo kale waxay halis gelinayaa amniga Hawada Sare, waxaana halis noqonaya firirka ka dhasha oo ku dhici kara dayax-gacmeedyada iyo hannaanka hawada ee dunida ay ku tiirsan tahay,” ayuu yiri.
Wuxuu Ruushka u sheegay in ay “masuuliyad iska saaraan arrintan” iyo in ay “ka fogaadaan tijaabo noocan ah oo mustqbalka ah”.