Muxiyadiin Yaasiin oo muddo 17-bilood hayey xilka Ra’isul-wasaaraha dalkaasi ayaa Is-casilay, iyadoo ay Xukuumadiisana burburtay.
Ra’isul-wasaaraha ayaa waayey Taageeradda Isbahaysigiisa, wuxuuna noqday Ra’isul-wasaaraha ugu xilka gaabnaa ee dalkaasi soo mara.
Boqorka dalka Malaysia, SuldaanC/llaahi Suldaan Axmed Shaah waxa uu aqbalay Is-casilaadda Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, iyadoo RW is-casilay laga dalbaday inuu xilkii sii hayo inta Ra’isul-wasaare cusub laga soomagacaabayo.