Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Taliyaha qeybta saddexaad ee Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM iyo Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed ee ka dhanka ahaa Al-shabaab.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Taliyaha qeybta saddexaad ee AMSIOM iyo Taliyaha qeybta 60-aad u sheegay in looga baahan yahay in Ciidamada ay sameeyan iskaashi, si Shabaab looga saarayo deegaanada ay Gobolada Koonfur Galbeed kala sugan yihiin.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa taliyeyaasha uu kulanka la qaatay iyo Ciidanka kula dardarmaay in la dardar-geliyo howlgalada ka dhan ka Shabaabka ee ka socda deegaanada Maamulkaas ee lagu xaqiijinayo amniga.
Kulanka ayaa waxaa Ra’iisul Wasaare Rooble ku wehlinayay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka iyo Saraakiil Ciidan.
RW Rooble ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Baydhabo, waxaana uu kulan la qaatay Golaha Wasiirada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan, isagoo kala hadlay qodobo dhowr ah.