Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax Khasaaro geystay oo gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Guri ku yaalla degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay waxyaabaha qarxa, kadib markii Caruur yar yar ay kasha nooca loo adeegsado mooyaha ku garaaceen.
Cabdullaahi Macalim Aadan Maxamuud oo Sagaal sano jir ah ayaa la rumeysan yahay in agabka Qaraxa uu ka soo helay meel aan sidaas uga fogeyn Xaafadda Raadeerka ee degmada Dayniile uuna kasha ku garaacay.
Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay Cabdullaahi Macalin oo sagaal jir ahaa, isla markaana waxaa ku dhaawacmay laba gadhood oo la dhalatay laguna magacaabo Iqra iyo Xafsa halka Gabar kale oo lagu magacaabo Caaisha oo ay ilma Habreed yihiin ay la dhaawacantay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Caruurta qaraxaas Khasaaraha uu kasoo gaaray uu dhalay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu magacaabo Aadan Maxamuud, kaasi oo dugsigiisa oo ku yaallo degmada Deyniile.