Wararka aan ka helayno Gobolaka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu halkaasi ka dhacay qarax khasaaro badan dhaliyay, oo ay ku dhinteen Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in Saaka qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay uu Ciidanka kula qarxay inta u dhexaysa Deegaanada Beergadiid iyo Coomaad oo hoostaga Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo aan ka helayo Qaraxaasi.
inta la xaqiijiyay Laba ruux ayaa ku dhintay oo mid kamid ah uu yahay Askari ka tirsan guutada 5-aad ee Ciidanka Xooggga Dalka, halka kan kalena uu ahaa Ciidanka deegaanka ee loo yaqaanno Macawuusleeyda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Seddax Askari oo sida la sheegay dhaawacooda la gaarsiiyay Cusbitaalka Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
Qaraxa ayaa ka dambeeyay kadib Howlgal la sheegay in Al-shabab lagula dagaalamayay ay Ciidanku sameeyeen, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.