Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Doorashada Aqalka Sare oo ka socota Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee laga soo dooranayo deegaanada Maamulkaas.

Doorashada saddex kursi oo kamid ah 8 kursi ee Hirshabeelle ee Aqalka Sare ayaa goor dhow ka bilaaban doonta Xarunta Baarlamaanka Maamulka, waxaana halkaas ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay, xili dib u dhac uu ku yimid waqtigii loogu tala-galay.

Howlka ay ka dhaceyso doorashada ayaa waxaa ku sugan Musharaxiinta ku tartameysa saddex kursi iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ee dooranaya Musharaxiinta u taagan kamid noqoshada Aqalka Sare.

Kursiga ugu adeg ee doorashada Maanta dhaceysa ayaa waxa ku tartami doona Senatar Muuse Suudi Yalaxow, Cabdullaahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay, halka kurasiga kalena ay ku tartamayaan Senator Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle iyo Maxamuud Axmed Nuursan Tartsan oo ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Musharaxiinta ayaa saakay illaa iyo duhurnimadii Maanta kulamo gaar gaar ah oo siyaasadeed la yeelanayay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana Magaalada Jowhar ka socday olole doorasho oo xoog leh.

Ammaanka guud ee Caasimadda Maamulka ayaa siweyn loo adkeeyay, isla markaana waxa sugida amniga iska kaashanaya laamaha amniga Maamulkaas iyo kuwa Booliska dowladda Federaalka ee Haramcad.