Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan Maamulka iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyoodey saaka dalka Turkiga.
“Khaliif Ciise Mudan waxa uu ahaa halyeey jecel horumarka nidaamka Dowliga ah, waxa uu soo noqday Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya burburkii ka hor, waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, waxa uu kasoo noqday Puntland Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, hadda waxa uu ahaa la-taliye Madaxweyne, waxaa uu ka mid ahaa guddiga dib u habaynta ciidamada” ayuu lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, si gaar ah waxa uu talafoon kula xiriiray qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Sidoo kale waxa uu Alle SWC uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, kuna abaal mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Puntlandba.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee amniga Puntland uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanyay isbitaal ku yaalla Turkiga, hayeeshee xanuunkii haayay ayuu u geeriyooday Maanta oo tallaado ah.