Natiijada Imtixaanka shahaadiga ah ee Fasalka 12aad oo goordhaw la shaacin doono

Wasaaradda waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqeysa Natiijada Imtixaanka shahaadiga ee sannad dugsiyadeedka 2021/2022  ee fasalka 12.

Saacadaha soo aaddan ayaa la filayaa in si rasmi ah ay Wasaraddu ugu dhawaaqdo Natiijada Rasmiga ah ee Imtixaankii la qaaday.

Sanadkan Imtixaanka waxaa u fariistay arday tiradooda gaareyso 35,000 (Soddon iyo Shan kun) oo arday, kuwaasi oo ka kala yimid dowlad Goboleedyada dalka.

Ardayda ayaa ka kala yimid Dowlad goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland iyo gobolka Banaadir oo lagu galay imtixaanka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor