Midowga Musharaxiinta oo diiday habraacii kasoo baxay Shirka Wadatashiga Qaran

Midowga Musharaxiinta ayaa kasoo horjeestay habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in habraacii lasoo saaray uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad oo xor iyo xalaal ah.

Golaha ayaa sheegay in habraaca ay u arkaan in dusha sare ka sito magac doorasho, hayeeshee habraaca gudihiisa uu magacaabis ka yahay, isla markaana ay ka digayaan cawaaqib xumo ka dhalan karta doorasho la boobo oo lagu shubto.

Sidoo kale Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa waxaa ay dalbadeen in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Midowga ayaa ku baaqay in doorashada Xildhibaanada ka dhacdo goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda sugan yahay, isla markaana amniga ay si wadajir ah u sugaan Ciidamada Booliska dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo AMISOM.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Musharaxiinta.