Midowga Musharaxiinta ayaa ka hadlay xilka qaadistii Maanta xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay ku sameeyeen Guddoomiyihii Guddiga Maxamed Xasan Cirro oo eedeymo culus loo jeediyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Midowga ayaa Guddiga doorashada iyo Guddiga xalinta khilaafaadka loogu baaqay inay si deg-deg ah hoggaan u doortaan, sidoo kale waxaa uu ku booriyay inay Guddiyada ka foggaadaan siyaasadda.
Golaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada uu leeyahay Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishaan ka furmaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kaasi oo looga arrinsan doono sixida hannaanka doorashada.
Sidoo kale Midowga Musharaxiinta ayaa rajeeyay inay Natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto Shirka Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, laguna toosinayo geedi socodka doorashada iyo dardar-gelinteeda.
Xubno ka tirsan Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa maanta xilka ka qaaday Guddoomiyihii Guddigaas Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay inuu caqabad ku ahaa doorashada, hayeeshee Maxamed Cirro ayaa sheegay in aan weli xilka laga qaadin.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Midowga