Diyaaraddii sidday maydka alle ha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Asbhri Faarax oo ka timid dalka Turkiga ayaa kasoo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ahaa masuuliyiin Saladda Janaasada kula dukaday Garoonka Meyd ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.
Sidoo kalana waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sugnaa masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda kuwaas oo iyana qeyb ka ahaa maamuuska heerka qaran ah ee loo sameynayay meydka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Turkiga.
Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa aas qaran loogu sameyn doonaa allaha u raxmadee Xasan Abshir Farax,halkaas oo ay ku suganyihiin masuliyiin heer sare ah oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada.