Maxay ka wada hadleen W/Arrimaha Dibadda Somalia iyo dhigiisa Pakistaan Shah Mahmood Qureshi?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, oo ka qayb galay Shirka aan Caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Baakistaan Mudane Shah Mahmood Qureshi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada Dal.

Labada Wasiir ayaa kulankooda diirradda ku saaray adkaynta iskaashiga iyo wax wada qabsiga Soomaaaliya iyo Baakistaan ee dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, ganacsiga, sayniska iyo tiknoolojiyadda, iyaga oo isla gartay in labada dal ay dhowaan wada garaan heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimahaas.