Maxay ka wada hadleen Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga?

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna.

Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya la xaqiijiyay kiisas kor u dhaafaya 286-qof oo uu soo ritay Virus-ka Corona kuwas oo qaarna ay bogsadeen kuwan ay u geeriyoodeen caabuqaas.