Mas’uuliyiin booqday xarunta lagu karantiilo Dadka uu soo rito COVID-19

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Maanta booqday isbitaalka Martini oo lagu daweeyo bukaannada uu soo rito fayruska faafa ee Covid -19.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sida ugu habboon, uguna dhaqsaha badan ee loo xakameeyo cudurka Covid-19 , wuxuuna ku dhiirrigaliyay Shaqada ay qaranka iyo Bulshada u hayaan howlwadeennada Caafimaadka.

“Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda waxay xoojinayaan doorkooda la dagaallanka Covid-19 . Maanta waxaa idin ku soo biiray darawalo ku biiraya howlaha 24 saac ka socda isbitaalka, oo ka xeyn doonaa gaadiidka gurmadka deg dega ah.” ayuu yiri Wasiir Sadiq Xirsi Warfa.