Mareykanka oo Maraakiib dagaal u soo diray xeebaha Soomaaliya + sababta

Dowladda Mareykanka ayaa xeebaha dalka Soomaaliya u soo dirtay Maraakiib waaweyn oo ah nooca dagaalka ee diyaaradaha Xambaara, kadib markii dowladdaas ay ku dhawaaqday inay Ciidankeeda ay kala baxayaan gudaha Soomaaliya.

Sababta Mareykanka uu Maraakiibta ugu soo diray xeebaha dalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Mareykanka looga saaro Soomaaliya.

Markabkan oo lagu magacaabo USS Hershel “Woody” Williams ayaa lagu qaadi doonaa Qalabka Milateri ee Ciidanka  Mareykanka, kuwaasi oo laga soo daad-gureyn doono Saldhigayada ay ku leeyihiin dalka.

Sidoo kale Markabka USS Hershel ‘Woods’ Williams ayaa la filayaa inuu xeebaha Soomaaliya soo gaaro horaanta bisha Janaayo ee sanadka Cusub ee 2021,  iyadoona Ciidanka Mareykanka qaarkood la qeyn doono dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ee Donald Trump ayaa horey amar ugu bixiyay in dhawaan Ciidanka Mareykanka laga saarayo gudaha dalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaaraya illaa 700 askar oo ku sugan gudaha dalka.