Maleeshiyaad ku dagaalamay Magaalada Muqdisho oo lasoo Bandhigay 

Taliska Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Caawa Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay rag hubeysan oo Burcad oo saakay ku dagaalamay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, kuwaas oo dhac ka geysan jiray degmada Deyniile.

Ku-xigeenka Afhayeenka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in howlgal qorsheysan oo dhacay galabta lagu soo qabtay raggaan oo Israsaaseyn ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, xili uu muran soo kala dhex-galay.

Cabdifitaax Aadan ayaa tilmaamay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay weerar ku qaadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen ragga oo ku hubeysnaa Qoryo Ak-47, waxaana burcada tiro ahaan ay gaarayan ilaa iyo 9 Nin oo dhac geysan jiray.

Sidoo kale ku-xigeenka Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in israsaaseyntii ka dhacay Ex-koontarool Afgooye ay ku dhinteen Afar qof oo mid Haweeney tahay, ayna ku dhaawacmeen saddex qof kale oo goobta ku sugnaa, lana geeyay Xarun Caafimaad.

Gaba-gabadii Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa Carabka ku dhuftay tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka lasoo qabtay oo dhibaato ku haayay dadka kunool degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, sidoo kalena gaadiidka laga raro Ex-koontarool Afgooye ka qaadi jiray lacago.