Majaajiliiste caan ah oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Cassimadda Soomaaliya ku geeriyooday Majaajilistihii caanka ahaa ee Cabdi Muriiddi Dheere, oo ku magic dheeraa Ajakis.

Marxuumka ayaa Maal-mihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, waxaana horay loo dhigay Cusbitaal, kadib markii xaaladdiisa Caafimaad ay aad u liidatay.

Qaar ka mid ah eheladda marxuumaka ayaa xaqiijyay geeridiisa.

Ajakis ayaa ka mid ahaa majaajiliistayaasha ugu caansan gayiga Soomaaliyeed, waxaana uu caan ku ahaa Ruwaayadaha iyo Turjumidda Aflaamta.