Hadal ka soo baxy Boliska dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in ninkaasi lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa dilkii Kim Jong Nam oo ay isku aabe yihiin Hoggaamiyaha W/Kuurya, Kim Jong Un.
Eedeysanaha la xiray ayaa lagu magacaabaa Ri Jong Chol, kaasi oo 47-jir ah, waa qofkii 4-aad ee ay Boliska Malaysia u soo xiraan Dilkaasi.
Ugu yaraan 3 kale ayey Boliska ku raad-joogaan, sida laga soo xigtay ilo ku dhow Dowladda dalkaasi.
Dowladaha Koonfurta Kuurya iyo Maraykanka ayaa rumeysan inuu Dowladda W/Kuurya ka dambeysay Dilka Kim Jong Nam, kaasi oo Isniintii la soo dhaafay lagu dilay Garoonka Diyaaradh ee Casimadda dalk Malaysia ee Kula Lampur.
Dhinac kale, Dowladd W/Kuurya ayaa sheegtay inay diidi doonto natiijdda Baaritaanka ay Malaysi ku hayso Maydka Kim Jong Nam, waxayna ku eedeysay Dowladda Malaysia inay kala shaqeynayaan Ciiddamo ka yimid Dibedda.
©Radio Dalsan