Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee Dowladda Federaalka ah Duraan Axmed Faarax iyo Wefti uu hoggaaminayo.
Axmed Karaash ayaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha kala hadlay ujeedka safarkii ay ku tageen Magaalada Garoowe, wuxuuna u sheegay in Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha ay go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland Marwo Hodan Saciid iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid.
Socdaalka shaqo uu Wasiir Duraan Axmed Faarax u tegay Garoowe ayaa waxaa uu ku sheegay inuu qaadanayo muddo ku dhow toddobaad, wuxuuna Wasiirka kormeeri doonaa deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay Wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Duraan Axmed Faarax ayaa caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.