Madaxweynaha Somaliland oo si kulul u dhaleeceeyay Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhaleeceeyay Qaramada Midoobay warbixin ay dhawaan soo saartay Hay’adda QM ee OCHA oo ay ku sheegtay Tirada dadka sida qasabka ah Somaliland uga soo masaafurisay Magaalada  Laascaanood.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in Warbixinta ay soo saartay Hay’adda QM ee OCHA oo ay ku sheegtay in dadka laga soo saaray Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof aysan wax dan u aheyn Warbixintaas dadka Laascaanood laga raray.

Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Warbixinta OCHA, wuuxuna sheegay Madaxweynaha in Qaramada Midoobay ay ceeb ku tahay in lacag ku raadiso dadkii la masaafuriyay oo uu xusay in Hay’adda OCHA aaneyn gargaar u sameeyn dadkaas.

“OCHA maxay maanta u qaylisay? waa laba wajiilenimada jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, dadkayaga aanu Laascaanood ka rarayno in lacag lagu doono waa ku ceeb Qaramada Midoobey.” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta Arimaha Bani’aadminnimada ayaa sheegay in dadka laga soo saaray magaalada Laascaanood iyo nawaaxigeeda ay haatan gaareen 7,250 qof, iyagoona intaas kusii daray in magaalada Ceerigaabo iyadana kasoo barakaceen 75 qof oo gaaray Magaalooyinka Gaalkacayo iyo Baydhabo.