Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Koonfur Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Maamulka ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kulan looga hadlay Arrimo la qaatay Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Atul khare iyo wafdi xubno kale oo kamid Qaramada Midoobay.
Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa diirada lagu saaray Arrimaha amniga Magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe oo ah goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed.
Inta uu socday kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Atul khare ayaa lagu soo hadal qaaday sidi loo dardar-gelin lahaa mashaariicda Qaramada Midoobey ka fulineyso deegaanada Maamulka oo ugu horreeyo dib u dhiska ku socda Garoonka diyaaradaha Baydhabo.
Agaasimaha Taakulaynta Xafiiska Xoghayaha guud Qaramada Midoobey Atul khare ayaaMadaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen uga mahadceliyay doorka uu ka qaatay heshiiskii laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa.