Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Guddiga Xalalka Waara ee Heerka wasiir iyo Guddiga Ganacsatada Beledweyne.
Madaxweyne Waare ayaa Guddiga kala hadlayay dar dargalinta Howlaha ka hortaga Fatahaadaha, isla markaana waxaa uu Guddigu amray si deg deg ah in loo fuliyo Mashruuca Biyo xireenka Beledweyne.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Howlaha Guud iyo dib udhiska Maamulkaas jaamac Xuseen Jama Hashi, oo si faah faahsan kaga hadlay qorshaha la xiriira fulinta Mashruuca Biyo Xireenka.
Inta uu socday Shirka Guddiga ayaa waxaa Ingineerada ka shaqeynaya fulinta Mashruuca Biyo xireenka Beledweyn waxaa ku soo bandhigeen sida ay u diyaariyeen Howlaha farsamada ee la xiriira Biya Xireenka.