Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa Maalinta Berri uu shir uga furmi doonaa Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa Caawa War kasoo saartay kulankaas dhexmari doono Farmaajo iyo Muuse Biixi, isl markaana waxaa kulan siin doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Cabdinuur Maxamed Cabdi oo qoraal soo saaray ayuu ku sheegay MD Farmaajo ay ka go’an tahay dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland.
“Madaxweyne Farmaajo waxa ka go’an dhammaan dadaallada keenaya in wadahadallo miradhal ah lala yeesho Somaliland. Tani waxay la jaanqaadaysaa hannaankiisa dib-u-heshiisiinta ku dhisan, waxayna xoojinaysaa mawqifkiisa ku aaddan si joogtaynta walaaltinimada isku haysa dadkeenna” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.
Kulanka Berri ee Somalia iyo Somaliland ayaa waxaa lagu Casuumay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida lagu shaaciyay Qoraal uu saaray Ismaaciil Cumar Geelle.