Maamulka Puntland oo joojiyay Madal uu ka qeyb geli ahaa Guddoomiye Maxamed Cirro

Maamulka Puntland ayaa fiidnimadii Caawa joojiyay madal ka dhici laheyd Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, taas oo uu ka qeyb geli lahaa Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Madasha oo ah Barnaamij bishii ay mar qabato Warbaahinta Daljir ayaa waxaa lagu joojiyay amar kasoo baxay Maamulka Puntland, iyadoona goobta ay ka kala tageen dadweyne farabadan oo lagu casuumay madasha dhici laheyd.

Maxamed Welcome oo kamid ah Mas’uuliyiinta Daljir ayaa sababta loo baajiyey Barnaamijka ku sheegay inay tahay in Puntland ay u aragtay madasha mid siyaasadeed oo kasoo horjeeda iyaga, balse taas aysan aheyn oo u yahay mid iska caadi ah.

Sidoo kale Maxamed Welcome ayaa Carabka ku dhuftay inay ka xun yihiin baaqashada Barnaamijka ka dhici lahaa Garoowe, isagoo xusay inay u hoggaansamayaan amarka, isla markaana raaligelin siiyay dadkii goobta tegay…

Madasha Daljir oo ah Barnaamij bile ah ayaa waxaa Caawa lagu casuumay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.