Maamulka Isbitaalka Digfeer oo ka hadlay xaaladda Caafimaad ee Afhayeen Macalimuu

Xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu oo Maanta qarax Is-miidaamin ah lagula beegsaday Magaalada Muqdisho ayaa haatan soo hagaageysa, kadib dhaawac kasoo gaaray qaraxaas.

Maamulka Isbitaalka Digfeer iyo dhaqaatiirta la tacaalaysa xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuumadda ayaa Telefashinka Dalsan u xaqiijiyay inay wanaagsan tahay Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Afhayeen Macalimuu ayaa lasoo weriyey inuu si caadi ah u sheekeynayo, isla markaana ogaalkiisu joogo, iyadoo dhaawac kasoo gaaray qaraxa lala eegtay uu yahay mid fudud oo dhaqaatiirtu ay sheegeen in uusan aheyn mid culus.

Qarax Is-miidaamin ah oo uu fuliyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa ayaa isku qarxiyey gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu, xili uu marayey meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxa lala eegtay Macalimuu, waxaana qaraxa ku burburay gaariga uu watay, sida lagu arkay Muqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday gaariga.