Iyadoo Rag Bastoolado ku hubeysan ay xaafad ka tirsan Magaalada Laascaanood ku dileen Mas’uul ka tirsanaa Maamulka degmada Laascaanood ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Gobolka Sool.
Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Salaad Wadaadyare, wuxuuna ka tirsnaa Garsoorka Maxkamada Magaalada Laascaanood, waxaana goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas.
Hoos ka aqriso Qoraalka uu soo saaray Maamulka Gobolka Sool
Alle ha u naxariisto Abdilahi sallad abokor oo ahaa Garsoore maxkamada gobolka oo Xalay lagu dilay magaallada Laascaanood. Waxaan geeridiisa uga tacsiyadaynnayaa qoyskiisa, qaraabadiisa, asxaabtiisa, bulshada gobolka Sool iyo guud ahaan Bahda Garsoor ee Jamhuuriyadda Somaliland waxaana leeyahay dhammaanteen samir iyo iimaan Allaah inaga siiyo.
Geeridu waa xaq, waxaase dhammaanteen shacab iyo maamulba inagu waajiba inaan iska kaashano gacan adag-na iskaga qabano cid kastoo lid ku ah ammaankeenna iyo horumarkeenna. Laamaha nabad gelyada ee xilli kasta u taagan sugidda nabad gelyada, xilligana ku hawlan baadhitaannada iyo daba-galka falkan fulaynnimada ah ayaan shacabka ku booriniayaa inay garab istagaan oo ay la shaqeyaan.
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Guddoomiyaha gobolka Sool