Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Ujeedka labada Madaxweyne halkaas u tegayaan ayaa waxaa ay tahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen Aaska Garoowe loogu sameeynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo laba maalin kahor ku geeriyooday Turkiga.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu isna ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa gelinkii dambe ee shalay dib ugu laabtay Magaalada Garoowe, si uu uga qeyb galo Aaska Marxuum Xasan Abshir.
Madaxweyneyaasha maamulada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa Aaska kadib, dib ugu soo laaban doona Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada uga furmayo halkaas.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo haatan ku sugan Dhuusamareeb uu ka qeyb geli doono Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.