Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo Uhuru Kenyatta oo Goordhow furmay

Xarunta Madaxtooyada Kenya ayaa waxaa Goordhow si rasmi ah uga furmay kulan u dhexeeya Madaxweynaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Kulanka oo ah mid Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed, xoojinta xiriirka Somaliland iyo Kenya iyo qodobo kale oo qorsheysan.

Wasiirka Arrimaha dibada Somailand Yaasiin Xaaji Maxamuux Xiir (Yaasiin Faratoon) oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Uhuru Kenyatta ay gaari doonaan heshiis gaar ah u Arrimaha Somaliland.

Kenya waxay sheegtay inaysan joogitaan diblomaasiyadeed ku lahayn Somaliland balse ay garawsan tahay degganaanshaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee gobolka, ayna danaynayso inay hormariso, ayna ballaariso baayac-mushtaraka iyo maalgashiga.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in Somaliland ay muhiim u tahay Geeska Afrika marka ay noqoto la dagaalank wax loogu yeero argagixisada.

Si kastaba kulankaan u socda Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay Dacwad ka dhan ah Kenya u gudbisay Urur Goboleedka IGAD, iyadoona Dacwadaasna shir deg deg laga yeelanayo.