Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xalay ilaa iyo saakay waxaa ka da’ayay roobab xoogan oo mahiigaan ah, kuwaasi oo watay dabeylo xoogan, sida ay ku warramayaan wararka halkaas laga helayo.
Roobka oo bilowday saqdii dhexe ee xalay ayaa soo gaaray waaberigii hore ee saakay, waxaana ku diirsan dadka iyo duunyada Boosaaso, isla markaana waxaa uu saameyn ballaaran roobka ku yeeshay qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Buuro iyo toggaga ku dhow Boosaaso ayaa waxaa kasoo rogmaday biyo farabadan oo ah roobkii da’ay, kuwaasi oo kusoo fatahay xaafadaha kala duwan ee Magaalada oo weli ay dhex ceegaagan guryo ku yaalla halkaas.
Sidoo kale dabeysha la socotay roobka ayaa dhulka ka siibtay baalayaashii Shirkaddaha korontada ee Boosaaso, waxaana saaka korontada ay ka maqan tahay xaafadaha qaarkood ee Magaalada, iyadoona loo jaray sababo la xiriira roobka oo xoogan.
Waxaa xiran inta badan goobaha Ganacsiga Magaalada, maadaama uusan jirin isku socodka dadka iyo gaadiidka oo hakad u galay roobabkii saacadihii lasoo dhaafay da’ay Puntland.
Dhinaca kale waxaa Maanta go’an isku socodka gaadiidka ee wadada aadka u muhiimsan ee isku xirta Boosaaso iyo Garoowe, kadib markii qeybo badan oo kamid ah wadada ay ka gooyeen biyo badan oo kusoo rogmaday,
Deegaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland gaar ahaan Gobolka Karkaar ayaa waxaa siweyn uga da’ay roobab dabeylo xoogan watay oo sababay khasaaro siugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed, sidoo kalena weli la la’yahay doonyo badda xaafuun ku xirnaa.