Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho oo la xiray

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helay ayaa sheegaya in Maanta Albaabada la isugu dhuftay Isbitaalka Digfeer oo kamid ah Isbtitaalada ugu waaweyn ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Maamulka Isbitaalka ayaa shaaciyay in gabi ahaan la joojiyay Bukaanadii ay qaabili jireen laga bilaabo Maanta oo sabti taariikhduna tahay 11-ka April 2020 ilaa 31-da Bisha soo soocta ee May.

Xubno ka tirsan Shaqaalaha Isbitaalka ayaa sheegay inay furan tahay oo kaliya qeybta Gurmadka Deg-dega ah ee Isbitaalka Digfeer, isla markaana la joojiyay bukaanadii la qaban jiray.

Warar ayaa intaas kusii daraya in qaar kamid ah dhaqaatiirta ka shaqeysa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho laga helay Cudurka Coronavirus, kuwaasi oo la karantiilay.

Ma Cada weli sababta loo joojiyay howlihii Shaqo ee Isbitaalka, hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Isbitaalka uu kamid noqon doono Goobaha loogu talagalay in lagula Tacaalo Dadka uu soo Rito Cudurka Coronavirus.