Wasaaradda amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo saartay Go’aano Cusub oo looga hortegayo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda amniga Hirshabeelle ayaa waxaa hay’adaha amniga maamulkaas lagu faray in Maamulka Gobolka Hiiraan iyo AMISOM kala shaqeeyan sidii loo xiri lahaa Xuduudka Hiiraan la wadaago Itoobiya iyo xakameynta Cudurka COVID-19.
Sidoo kale Go’aanada lasoo saaray ayaa waxaa kamid ah in la joojiyo Ganacsiga Qaadka ka yimaada dhinaca deegaanada Itoobiya, waxaana hay’adaha amniga la faray inay la xisaabtamaan dadka ku howlan ganacsiga Qaadka.
Go’aanadaan lasoo saaay ayaa kusoo aadaya, iyadoo Maanta Madaxeynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare uu adkeeyay amarka lagu joojiyay Waxbarashada Iskuulada jaamacadaha, Dugsiyada Quraanka, goobaha dadka isugu yimaadaan.
Hoos ka Akhriso Go’aanada kasoo baxay Hirshabeelle.