Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa baabi’iyey heshiis Shirad Ganacsi uu Wasirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Cismaan Abuukar Dubbe uga kireeyay Maqaayad ku taalla dhulka Tiyaatarka Qaranka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Hantidhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa waxaa lagu sheegay in sida ay Wasaarada Warfaafinta ay u wajahday arrinta Tiyaatarka ay tahay mid aan waafaqsaneyn nidaamka Dowliga ah iyo shuruucda dalka.
Xafiiska Hantidhowrka ayaa Wasaaradda Warfaafinta xilgaarsiinta ku eedeeyay inay si cad ugu xadgudubtay shuruucda dalka, isla markaana Wasiir Cismaan Dubbe uu sifo sharci darro ah u maray maamulka hantida Wasaaradda, sidoo kalena aysan faa’iido iyo dan ugu jirin bahda fanka.
Sidoo kale Xafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa faray Wasiir Dubbe inuu si deg deg ah u joojiyo arrinka bixinta dhulka Tiyaatarka, uuna Wasiirka 72 saacadood gudahood ku soo saaro Qoraal lagu joojinayo bixinta dhulka.
Hantidhowrka guud ayaa hay’addaha dowladda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta u sheegay in aan cidna laga aqbali doonin loogana hareyn in dhulka hantida guud loo maamulo sifo aan sharciga waafaqsaneyn.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Hantidhowrka Qaranka.