Gudoomiye Siidii oo Xalay Ka Badbaaday Weerar Lagu Qaaday Gurigiisa

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa Xalay ka badbaaday Weerar Al Shabab ay Xalay ku qaadeen Guri uu ka dagan yahay Degmadda Qoryooley Ee Gobolkasi.

Dagaalamayaal ka tirsan Al Shabab ayaa  Weerar ku ekeeyay Guriga Gudoomiyaha waxana Halkasi ka qarxay Dagaal xoogan oo socday Muddo Kooban.

Gudoomiye Siidii waa uu ka badbaaday weerarka oo uu u jeedkiisa ahaa in isagga lagu dilo.