Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kulanka Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan iyo xubnaha Guddiga hirgelinta Doorashada heer Federaal ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa loona fududeeyn lahaa arimaha doorashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.
Guddiga doorashooyinka ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle u sheegay in muhiim ay tahay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee ka dhaceysa Magaalada Jowhar ay noqoto mid Cadaalad, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf.
Xubnaha ka socda Guddiga hirgelinta Doorashada heer Federaal ee shalay gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa goobjoog ka noqon doona doorashada Senatorada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Magaaladaas.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu ku dhawaaqo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare, waxaana Guddiga doorashada Maamulkaas ay ka dalbadeen inuu Madaxweynaha soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta.