Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Maanta oo Axad yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo dib uga laabasha Go’aan ay horey Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre u gaartay.
Golaha Wasiirrada ayaa ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.
Wasiirada ayaa inta badan u codeeyay qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada Xukuumadda xilgaarsiinta, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.
Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sanadkii 2017 u aqoonsaday ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.