Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo ka shiray Doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo Maanta khamiis ah ka qabsoomay Magaalada Garopwe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Shirkaan ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo Amniga guud ee deegaanada Puntland iyo qodobo kale oo Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya ku saabsan.

Inta uu socday Shirka Golaha Maamulka Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda, Warbixinta Gobollada Puntland iyo bilaabida Doorashadda Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Golaha Wasiirada Maamulka faray inay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradahooda horyaalla, waxaana kulanka Maanta ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash…

Guddiga doorashada Puntland ayaa xalay lagu waday inay shaaciyaan Liiska kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, hayeeshee dib ayey Guddiga u dhigeen shaacinta kuraasta, iyagoo todobaad kadib sii deyna kuraasta ugu horreeysa ee doorashada….