Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Xaydar Al-cabaadi waxa Amarkaasi bixiyey, kadib, markii Arbacadii la helay maydadka 8 xubnood oo ka tirsanaa Ciiddanka Ammaanka oo lagu tuhunsan yahay inay Kooxda Daacish dileen.
Qoraal Xafiiska Ra’isul-wasaaraha Iraq ka so obaxay Khamiistii la soo dhaafay waxa uu amar ku bixiyey in la dedejiyo dilka Maxaabiista ku eedeysan falal Argagixiso.
Boqolaal Maxaabiis lala xiriirinayo Kooxda Daacish ayaa lagu xukumay dil, sida ay Mackamadaha dalkaasi ku dhawaaqeen.
Afhayeenka Garsoorka daalkaasi oo lagu magacaabo C/sataar Al-birqdar waxa uu tilmaamay in 212 Maxaabiish Daacish lagu xukumay dil, halka 150-kalena lagu xukumay Xabsi Daa’im.
Markii uu Ra’isul-wasaraaha Iraq ku dhawaaqay Amarkaasi, waxaa ISLA Khamiistii la dilay 12 ka tirsan Maxaabiis Daacish ah oo looga aar gudanayey 8-dii Askari ee Arbacadii la helay maydadkooda.
Wakaalladda Wararka u faafisa Kooxda Daacish ee AMAQ waxay isbuucii hore soo bandhigeen Muuqaalka 6 Askari oo ka tirsan kuwa Dowladda Iraq ee afduubka loo haystay, waxatna codsadeen in la si idaayo dhamaan Hoggaamiyayaasha iyo Haweenka ka tirsan Kooxda Daacish ee ku xiran Xabsiyadda Iraq.
Daacish waxay 3 maalmood u qabteen in lagu sii daayo Haweenkaasi, balse Dolwadda Iraq kama jawaabin codsigaasi, taasi oo keentay inay Kooxda Dacaish toogasho ku dilaan 8 Askari, kuwaasi oo maydadkoda la helay.