Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan gaar ah la qaatay Wakiillo ka socday Midowga Musharraxiinta  

Waxaa maalinkii labaad galay shirka Golaha Wadatashiga Qaran kaasi oo maanta uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa kulan la yeeshay Wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta  oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Xubnaha kale ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan la yeeshay wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen dardargalinta doorashooyinka dalka.

Shirka ayaa dirradda lagu saari doonaa Qodobo ay ka mid yihiin.

1: Amniga doorashada

2: Habraacyada doorashada

3: In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada golaha shacabka.

4: Jadwal doorasho oo cusub iyo qodobo kale.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa,sida madaxdu ay isugu raacin doonaan qodobadaasi, kuwaasi oo isbedal ku keeni kara waxyaabihii ay horay ugu heshiiyeen.

shirkan ayaa horey waxaa ugu dhawaaqay Ra’iisal wasaare Rooble, wuxuuna ku soo beegmayaa xilli khilaaf xooggan uu dhaxeeyo madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaarihiisa.

Kulanka ayaa marka uu soo dhamaado maalmaha soo socda waxaa la filayaa in ay uu ka soo baxo heshiis doorasho oo dalka ka dhacda.