Galmudug oo ku dhawaaqday in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Magaalada Guriceel

Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Magaaladaas ee lagula dagaalamayay Ciidankii Ahlusunna oo saakay gebi ahaan isaga baxay Guriceel oo uu ka dhacay dagaal qaraar oo maalmo socday.

Guddoomiyaha Guriceel Anas Cabdi Macalin oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay in xaaladda degmada haatan ay tahay mid wanaagsan, isla markaana guud Guriceel ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Galmudug, ayna tahay mid degan.

Waxaa uu sheegay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Magaalada afartii maalmood ee lasoo dhaafay ee lagula dagaalamayay Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca ee halkaas ku sugan, isagoona Guddoomiyaha Baaq u diray dadkii barakacay.

Guddoomiye Anas Cabdi ayaa shacabkii ku barakacay Colaadii Guriceel ugu baaqay inay dib ugu soo noqdaan guryahoodii ay marka hore ka tageen, isla markaana waxaa uu Hay’addaha Gargaarka ka dalbaday inay caawiyaan dadka barakacay ee dhibaatada ku heysato deegaanada ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale Taliyaha Booliska degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa isna sheegay in amniga guud ee degmada ay gacanta ku hayaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug, ayna ku sugan yihiin meel kasta oo kamid ah degmada.

Isaga oo sii hadlaayay Taliye Cismaan Cali ayuu tilmaamay in lala xisaabatimi doono dad uu ku sheegay inay agabyo ka qaateen Saldhiga Booliska degmada intii uu socday dagaaladii u dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna.

Waaberigii hore ee saakay ayaa mar qura Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud isaga baxay Ciidankii Ahlusunna Waljamaaca oo dagaal adeg la galay Ciidanka dowladda, waxaana dagaaladii dhacay ka dhashay khasaaro lixaad leh oo dhimasho iyo dhaawac ah

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor